Wararka Soomaaliya

Yaa u sharaxan kursiga Xildhibaanimo ee Marxuum Cabaas Siraaji

Waxaa Shalay magaalada Kismaayo Gaaray Maxamuud Siraaji oo ah wiil la dhashay ama da’dii  ka yaraa Allaha u naxariistee marxuun Cabaas Siraaji oo horaantii Sanadii 2017 lagu dilay ilinka hore ee Madaxtooyda ee Villa Soomaaliya.

Marxuum Cabaas ayaa waxaa uu ahaa Xildhibaan laga soo doorto magaalada Kismaayo, sidoo kale marxuunka ayaa ahaa Wasiirkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta.

Marxuun Cabaas Siraaji oo horaantii Sanadii 2017 lagu dilay ilinka hore ee Madaxtooyda ee Villa Soomaaliya. Cabaas ayaa ahaa Wasiirkii Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta.

Askarigii dilay Cabaas ayaa wali ku xiran xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho iyadoo wali aanan cadaalad la marsiinin.

Haddaba waxaa jagadii wasiirnimo loo magacaabay Saadiq Cabdi, balse waxaasa wali banaan xilkii Xildhibaanimo. 

Eheladda Cabaas ayaa waxay ku howlan yihiin in xildhibaan ay u doortaan Maxamuud Siraaji oo ah da’da ama wiilkii ku xigay Marxuum Cabaas Siraaji.

Maxamuud Siraaji oo isagu tartan ugu jira kursigii uu ka dhintay walaalkiis Cabaas.

Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wax la wado Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta  Mundane Saadaq.

Kursiga Xildhibaanimo waxaa u sharaxan Maxamuud Siraaji iyo Saadaq Cabdi labadda musharax ayaa haatan jooga Kismaayo.

Dhowaan ayaa la rajeynayaa in doorashada tartanka xildhibaanimo ay ka dhacdo Kismaayo iyadoo la marayo habkii doorasho ee ahaa 51 Ergo ay u codeyaan labadaas musharax.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top