Somali News

Xukuumada Soomaaliya oo War ka soo saartay Geerida Wasiir Aw Libaax

Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboledka maamulka Jubbaland Maxamed Yuusuf Aw Libaax ayaa xalay fiidkii u geeryooday dhaawac ka soo gaaray Qarax ismiidaamin ah oo shalay ka dhacay Saldhiga Booliska degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Wasiir Aw Libaax ayaa inta uusan geeryoonin waxaa dhaawac culus uu ka soo gaaray Qaraxaasi, isaga oo xilliga uu Qaraxa dhacayay marayay wadada.

Geerida Maxamed Yuusuf Aw Libaax Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maamulka Jubbaland waxaa warbaahinta u xaqiijisay Khadiijo Maxamed Diirye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya.

Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Soomaaliya ayaa sheegtay Dowladda Federaalka in ay ka tacsiyeyneyso Geerida Wasiir Aw Libaax iyo dhamaan shacabkii ku waxyeeloobay Qaraxii saldhiga degmada Waaberi.

Saraakiisha laamaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa sheegay Qaraxaasi in ay ku geeryoodeen 5 Qof, halka 7 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana Gaariga Qarxay nuuciisa uu ahaa SURF.

Waa Qaraxii labaad oo mudo Saddex maalmood ku siman ay uruka Al-shabaab ka geystaan magaalada Muqdisho.

Latest News

To Top