Tusmo Times: News that Matters to Somali Americans

Somali News

Xukuumada Soomaaliya oo Gudi usaartay Khasaarihii ka Dhashay Maqnaashihii Internetka

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay Guddiga Khubaro ah in loo saarayo in ay soo baaraan khasaarihii ka dhashay mudadii uu maqnaa Internetka.

Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaariisnta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur oo maanta warbahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kharashka khasaare ahaan u soo gaaray Ganacsatada mudadii uu maqnaa Internetka.

Wuxuu sheegay Wasiirka dhaqaale fara badan in uu ku lumay intii uu maqnaa Adeegga Inernetka ee Viber Optico, isaga oo sidoo kale tilmaamay in la sameyn doono Guddi soo baara dhaqaalaha rasmiga ee ku lumay maqnaasha Inernetka.

Muddo 23 maalmood kadib ayaa waxaa qadka internet-ka dib looga helay Koonfurta Soomaaliya, kadib markii Fiiladii Internet-ka 24-kii Bishii hore uu jaray markab.

Maqnaanshaha Qadka Internet-ka ayaa wuxuu saameyn ballaaran ku yeeshay shaqooyin badan oo dadka ay qabsan lahaayeen, waxaana taasi ay keentay in gaab ay ku yimaadaan shaqooyinkaasi.

Comments

comments

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top