Somali News

Xog rasmi ah iyo Xaaladda Bariire

Saaka Aroortii ayaa waxaa dagaal xoogleh uu ka dhacay deegaanka Bariire ee shabeelaha Hoose.

Weerarka ayaa waxaa uu Ku bilowday ismiidaamin Gaari laga soo buuxiyay wax yaabaha qaraxa.

waxaana lala galay fariisan Ciidanka Soomaaliya ay Ku lee yihiin deegaankaas ka dibna waxaa gudaha u galay Ciidankii shabaab.

Qaar ka mid ah shacabka Ku nool Agagaarka Bariire waxay Tusmotimes.com u sheegeen in Bariire lagu dilay 26 Ciidanka Soomaaliya ah saanad milatarina in ay qaateen Al-Shabaab ayaa inoo sheegeen Shacabka Bariire.

Ciidankii Shabab ee goobta qabsaday ayaa markii Danbe si,iskood ah iskiiga Baxay Bariire.

Dhanka Shabab ayaa waxaa lasheegayaa in Askar farabadan lagooga dilay dagaalka tirada la sheegay in Shabaab laga dilay ay gaareyso 18.

Dhinaca kale Ciidan Dowladda Soomaaliya ah oo gurmad ahaa ayaa dhaxda loo galay waxaana la kulmeen qaraxyo 13 Askari ayaana ka geeriyootay isku gayn tirada gurmadka Ku geeriyootay iyo kuwa Bariire lagu dilay waa 39 Askari oo Dowladda Soomaaliya ah.

ilaahadda Saraakiisha Soomaaliya kama hadlin weerarka waxaana deegaankii lagu dagaalamay jooga Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha weerarka ka bad baaday waxaa ka mid ah liibaan Madaxay  iyo liibaan dhawaaq.

To Top