Somali News

Xog Muhiim ah oo laga helay Dhanka Al-shabaab

Warar aan ka helaynay dhanka Al-shabaab ayaa sheegaya in Saraakiisha Shabaab ay isku Maan dhaafeen Dagaalka ay kula jiraan dowladda federaalka soomaliya.

Warkan ayaan waxaan ka helnay Qaar kamid ah shacabka kunool deegaanada ay maamulaan.

Warku waxaa uu intaas ku darayaa in saraakiisha shabaabka qaarkood ay soo jeediyeen in dagaalkooda mudo dheer uu soo socday ayna haboontahay in ay la heshiiyaan  dowladda .

Warkaas ayaa keenay in la isku mari waayay oo xitaa ay keentay in lagu kala tagay markii warkaas la soo jeediyay shirkaas ayaa waxaa uu ka dhacay degmada jilib ee jubbada dhexe waxaana uu socday Mudo sedax maalmood ah.

in kastoo aan helin magacyada saraakiisha soo jeedisay warkaas ayaa hadana warkan waxaa uu yahay mid lahubo run ahaan shihiisa.

Warkan ayaa waxaa uu imaanayaa xili dhowaan Xog aan ka helnay dhanka saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya uu ahaa in Dowladda ay damacsan tahay in ay qaado dagaal ka dhan ah Alshabaab.

Latest News

To Top