Somali News

Xog Muhiim ah oo ay heshay Warbaahinta Tusmo oo ku saabsan Mukhtaar Roobow

Mukhtaar Roobow iyo madaxda dowlada federaalka soomaaliya ayaa la sheegayaa in ay isku mari layihiin qaabka uu ugu mid noqon lahaa Dowlada federaalka soomaaliya.

Warkan oo aan ka helnay ehelada Mukhtaar ayaa waxay inoo sheegeen in wadaadka uu soo jeediyay labo jago oo Muhiim ah oo kala ah Wasaarada Gaashaan dhiga loo dhiibo iyo in loo dhiibo Taliyaha Ciidanka Milatariga soomaaliya arintaas oo dowladda wali go,aan ka gaarin.

Warkale waxaa uu sheegayaa in madaxda dowlada federaalka soomaaliya Mukhtaar ay ujeediyeen in uu Marka hore uu yimaadow Xamar ka dibna uu shaaciyo in uu ka tanaasulay arimhii diimeed ee mudo ku shaqeynayay ee shabaab nimada markii laga soo tago in isaga iyo shabaab ay isdirarsan yihiin.

Mukhtaar ayaa waxaa la sheegay in uu taas aqbalayo laakiin ka horeyso in loo saxiixo jagooyinkaas mid kood.

arimahaas ayaa la isku mari waayay  waana mida ka dhaxtaagan Mukhtaar iyo dowladda

Dhanka kale waxaa hada halkaas aadaya Shariif xasan oo arinkaas awadeed Xudur  u,aaday

Comments

comments

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
Seo wordpress plugin by www.seowizard.org.