Somali News

Xog muhiim ah oo Ay heshay War Baahinta Tusmo

Xogtan Aan Helnay ayaa waxay sheegayasaa in cabasho xoogleh ay qabaan Shaqaalaha Dowladda Soomaaliya ee ka shaqeeya hay`adaha Kala duwan ee Dowladda ka dib Mooshinkii Xukuumada laga keenay.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Hay`adaha Dowladda Soomaaliya oo si Hoose ula hadlay Warbaahinta Tusmotime.com ayaa waxay sheegayaan in Shaqaalaha lacagtii loogu Talagalay lagu bixiyay xalaintii Mooshinkii Xukuumada laga keenay.

Shaqaalahaan ayaa waxay warkooda intaas ku dareen in Markii hore Madaxada Dowladda War baahinta ka sheegeen in Bil walba ay bixinayaan Mushaaraka Shaqaalaha 25ka Bil walba.

Taasoo keentay in Shaqaalihii oo awal ahaa kuwo xaaladooda liidato bulshadii ay ku xirnaayeena ka war helay in mushaaraadkooda Bil walba siiyo.

Waxaa arimahaas ka dhashay caqabado farabadan oo ay ka mid yihiin in xataa  loo diido Goobihii qoysaskooda adeegyada ka heli jireen iyo Caruurtooda oo laga soo celiyo Goobaha waxbarashada.

Dhinaca kale waxaa intaas dheer Musuq Maasuq ka jira Wasaaradaha Badankood sida Markii ay yimaadaan Siminaaro

Banaanka loo aado ayna intabadan ku baxaan shaqsiyaadka wata Baasa Boorada Ajaaniibta ah halka kuwa wata Baasaboorka Soomaaliya loo diido.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta soomaaliyeed ayaa waxay sheegayaan hadii Cabashada Shaqaalaha Aan laxalanin in Madaxda Soomaaliya Caqabad ku noqoneyso.

To Top