Somali News

Xog Muhiim ah ka daalaco Tusmotime.com

Xogtan oo aan ka helnay qaar ka mid ah Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolka Shgabeelaha Hoose ayaa waxaa uu sheegayaa in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu gobolkaas uxil saaray nin lagu magacaabo Erik Prince oo madaxda ka ah shirkadda la yiraahdo Blackwater.

Erik Prince ayaa waxaa la sheegay in shariifka ay ku heshiiyeen in Beeraha Gobolka shabeelaha hoose laga maamulo Magaalada janaale halkaas oo laga dhisayo taawar guud ahaan laga maamulo Beeraha ku yaala Gobolkaas.

Sidoo kale waxaa xogtan intaas ku daraysaa in xarunta shaqadeeda iyo dhulbeereedkaba laga shaqaaleysiinayo dad aan ka soo jedin gobolka shabeelaha hoose ku waasoo ka soo jeeda gobolada Mudug iyo Galgaduud.

waxaa kaloo intaas dheer waxaa gobolka laga mamnuuci doonaa Xooladhaqatada iyo Goobaha Cibaadada sida Masaajidda iyo Xarumaca lagu barto Qur,aanka kariimka.

Xildhibaano ka tirsan Maamulka Koonfur galbeed ayaa waxay iyana dhankooda sheegayaan in ay ka soo hor jeedaan heshiiskan shariif uu la soo Galay Erik Prine ee shabeelaha hoose lagu tijaabinayo.

Erik Prine waxaa uu horay shirkadiisa ugu soo qeeb qaadatay bur burinta wadamada Ciraaq iyo suuriya.

Arintan ayaa waxaa walaac xoogleh ku abuurtay dhamaan shacabka ku nool Gobolkaas iyo culumada.

Wxaaana Baaq udireen in dowladda soomaaliya ay wax ka qabato arintaan walaaca leh ee ku soo korortay Gobolkaas.

To Top