Wararka Soomaaliya

Xog ku saabsan Madaxda Maamulada iyo Madaxweyne Farmaajo

Madaxda Maamulada ka Jira Soomaaliya Sida Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas,Axmed Ducaale Geele Xaaf Galmudug inkastoo Xilkiisa muran ka taagan yahay,Maxamed Cabdi Waare Hir-shabeelle,Shariif Xasan Sheekh Aadan Koonfur Galbeed iyo Axmed Maxamed Axmed Madoobe jubbaland ayaa waxaa si Deg Deg ah ugu yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi  Maxamed Farmaajo.

Madaxda loo yeeray ee shanta ah ayaa waxay in dhowaale shir ku lahaayeen Magaalada  Kismaayo ee Xarunta Jubbada hoose waxaana lasheegayaa in qodobo farabadan oo ay soo saareen uu liddi ku yahay Dowladda dhexe ee Soomaaliya sida Arimaha Dibadda,Duulimaadka iyo Dhaqaalaha in ayagu ay maamulaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa lanoo sheegay in uu si Deg Deg ah ugu yeeray  Madaxdan in ay si deg deg ah ku soo galaan Muqdisho 24 saac gudahooda haddii kale ay la kulmayaan Tilaabo deg deg ah.

Xogtan Ayaan waxaan ka helnay qaar ka mid ah Madaxda ka qeeb gashay shirka kismaayo iyo dhanka Madax tooyada Soomaaliya.

To Top