Wararka Soomaaliya

Xog Aan ka helnay Dhanka Saraakiisha Madaxtooyada Soomaaliya iyo shirka Kismaayo

Waxaan helnay Warar sheegaya  in Madaxda Soomaaliya ay qorsheynayaan in ay isbedel ku sameeyaan Dastuurka Qabya qoraakla Soomaaliya qaar ka mid ah qodobada Muranka ka taagan yahay ee ah Madaxda Maamulada ka jira Soomaaliya gabi ahaanba meesha laga saaro.

Waxaa intaas dheer in qorshuhu uu yahay in lagu bedelo qodobadaas qodobo sheegaya in madaxda Maamulada Soomaaliya ee kibirka isbiday loo bedelo Gudoomiyaal goboleed magacaas lagu daro Dastuurka Soomaaliya.

Dowladda Goboleedyada Soomaliya Madaxdooda ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay yihiin kuwo isu arka in ay yihiin Madaxaweyniyaal madax banaan sidaa awgeed dana ugu jirin umadda soomaaliyeed.

Xog tan ayaan waxaan ka helnay Saraakiisha ka howl gala Madax tooyada Soomaaliya oo naga codsaday in aan magacyadooda iyo jagadoodaba aan soo xiganin Balse warkan uu yahay mid xaqiiqo ah.

Waxaa dhowaan lafilayaa ama bilooyinka soosocda larajaynayaa in dowladda dhexe Madaxdoodu ay soo saaraan go,aan ku saabsan Warka ku aadan madaxda Maamul goboleedyada.

Dhanka Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa la sheegayaa in ay ogaadeen qorshaha Madaxda Doeladda dhexe ay Damacsan yihiin waana sababata keentay in ay isbaheystaan oo kismaayo ku shiraan.

Haddii ay dhacdo arintan ayaa waxaa loo arkaa mid soo celinaysa Midnimadii Soomaaliya oo ah in Hal Madaxweyne iyo hal go,aan uu dalka ka soo baxo.

Halka hadda uu dalka ka taagan yahay isbar baryaac farabadan ka dib markii Madaxda Maamul goboleedyada Soomaaliya  ay baal mareen sharciga u degsan soomaaliya.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top