Wararka Soomaaliya

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan Ibi oo Hadalkii ugu Kululaa Abid Jeediyey

Muqdisho:(Tusmo Times)Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji  Aadan Ibbi oo ka mid ah xildhibanada Barlamanka Jamhuuriyadda Fardalka soomaliya oo maanta shir saxafadeed ku qabtay muqdisho ayaa waxa uu shirkiisa uu kaga hadlay Arimo la xiriira xujeysada soomalida dhibatooyiinka ay la kulmaan marka ay tagaan magalada barakeysan Maka Al mukaramah.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xaaji Aadan ibbi ayaa ugo horeen waxa uu aad u soo dhaweyey Talabada ay qaday wasarada Diinta iyo  Owqaafta soomaliya ee ah in shatiyo ay gudoonsiyaan shirkada Duulimaadyada dalka  kuwaasi awood u siinaya in ay sanadkan  ka qeyb qataan  Daabulidda xujeyda soomaaliyeed.

Sido kale xildhibaanka ayaa waxa uu  Dowladaha islaamka  ku namaanay xagameenta Arimaha la xiriira Xujeyda  Isagoo ugo baaqay in ay sii xoojiyaan ka dhabeenta taladaban ay qadeen.

Waxaa kaloo uu sheegay in ay jiraan Arimo xaga Sharciyada Gudasha Xajka oo Shirkadaha Qaar aanay u sharaxin Xujayda Markii ay Galayaan sucuudiga Taasoo ku habooneed in loo Faa-Faafihi Xujayda.

Xildhibaanku wuxuu intaas ku daray in Dul duleelada jira ay hor gaynayaan baarlamanka halkaasana looga hadli doono Bisha soo socota oo baarlamanka kulankiisa uu furmayo.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top