Somali News

Xiisad Dagaal oo Ka taagan Galin soor

Deegaanka galinsoor ee gobolka galgaduud  oo qiyaastii 90 kiiloo mitir dhanka koonfureed kaga beegan magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ayaa saaka waxaa ka soo cusboonaaday qilaaf  udhaxaysa maamulka deeganka galinsoor iyo xubno horay uga tirsanaa maamulka degaankaasi.

Guddoomiyaha deegaanka Gallinsoor ee Gobolka Galgaduud Cali saciid axmed cabdulle beeniyay in ay gabi ahaanba ay waxba kajirin wararka sheegaya in xilkii laga qaaday islamarka  wali uu hayo xilka gudoomiyanimo ee deeganka galinsoor ee gobolka galgaduud.

Marar hore ayaa sidan oo kale waxaa dhacday nin is qab qabsi dhanka maamulka ah uu kadhaco deganka galinsoor mana jirto wax hadal ah oo ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha ee galmudug ee ku aadan qilaafka kasoo cusboonaaday deganka galinsoor ee gobolka Galgaduud.

Latest News

To Top