Wararka Soomaaliya

Xafladii sanad guurada Kowaad ee Madaxweyne Farmaajo oo loo Bedelay Gargaar Daawo Sawirada

Maanta ayey ku beegneed Xiligii la dooratay Madaxweynaha haatan Talada Dalka haya ee Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo 8 da February Bishii Labaad ee Sanadkii Hore 2017,waxaa ka Soo wareegatay Mudo Sanad ah.

Waxaa lafilayey in Galabta Ama caawa laqaban doono Xaflad loogu Dabaal dagayo Xiligii Guusha Farmaajo iyo Dowladda waxa u qabsoomay.

Laakiin waxaa loo rogay Gargaar bini Aadanimo.

Waxaa Barqanimadii Maanta ilaa Caawa ka socday Xeryaha Ciidamada qeebahooda kala gidisan uqeebinta Xoolaha nool sida Ariga oo kale oo loogu tala galay in Ciidamada ay Hilbo Cunaan.

Xarumaha Ciidamada ee Xoolahaas lageeyey waxaa ka mid ah Wasaaradda Gaashaandhiga,Taliska Kumaando Buluusiya,Xarunta Ciidanka Asluubta iyo Xarunta Ciidanka Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Waxaa kaloo Agabka lagu seexdo loo qeebiyey Xarumo ilmo Agoon ah ay ku Xareysanyihiin oo ku kalayaala Muqdisho iyo Af gooye.

Xarunta Agoonta ee Af Gooye oo ay ku Xareysanyihiin Wiilal iyo Gabdho ayaa waxaa loo qeebiyey Dhar,Cunto iyo Joodariyaasha lagu seexdo.

Xarunta Ku taala Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir oo Gabdho kaliya lagu Xanaaneeyo ayaa silamid ah Sida kuwa Af Gooye iyana loo qeebiyey Dhar,Cunto iyo Furaashaka lagu Seexdo.

Waxaa Raashiin Mucaawano ah lagaarsiiyey Qoysaska Barakacayaasha ah ee ku nool Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Waxaa intaas Dheer Dhaqaatiir iyana si bilaash ah ugu adeegayey Qoysaska Dantayer ee Barakacayaasha ah.

Xafladii loogu Dabaal dagilahaa Madaxweyne Farmaajo Xilga uu kursiga Madaxtanimada Talada Dalka uu qabtay ayaa qaabkaas loogu Dabaal Dagay Maanta.

Waa markii ugu horeysay Madaxweyne Soomaaliyeed Xafladiisa loo bedalo Qaab Gargaar ah.

Waxaana Xogta ku helnay in Madaxweynaha uu Codsaday Qarashka ku baxaya Xaflada lagu caawiyo Dadka Mudan in lacaawiyo.

Madaxweynihii Farmaajo kursiga kaga horeeyey ee Xasan Sheekh Macamuud ayaa waxaa uu ahaa mid loo qaban jiray Xaflado lagu xusayey Xilga uu Talada Dalka uu qabtay.

Laakiin Farmaajo qarashkii ku bixi lahaa Xafladaas waxaa uu amray in lagaga Farxiyo Ciidamada,Caruurta waalidkooda uu dhintay iyo Qoysaska Dantayar.

 

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top