Somali News

Xaaladda Bariire oo degan ka dib Dagaal dhimasho iyo dhaawac leh uu halkaas ka dhacay

Wararka  ka imaanaya Deegaanka Bariire ee Shabeelaha Hoose ayaa waxaa uu sheegayaa in Markale galabta Dagaal xoogleh ay ku qaadeen Al-shabaab halkaas oo la sheegay in  khasaaro xoogleh uu ka dhacay.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa halkaas ka jooga Ciidan xoogleh oo ay ku jiraan Tababarayaal Mareykan ah.

Sargaal ka mid ah Ciidanka Soomaaliya ee galbta shabaabka lagalay Dagaalka ayaa waxaa uu Tusmotimes.com u sheegay in shabaab ay kaga dileen dagaalka in kabadan 15 Askarta shabaabka ka mid ah.

Dhinaca Ciidanka soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in khasaarahooda uu badan yahay xaaladdana hadda ay degan tahay.

Deegaanka Bariire ayaa hadda waxaa ku sugan ciidamada Dowladda Soomaaliya Shabaabkii weerarka ku soo qaaday ayaa waxaa lasheegayaa in ay aadeen dhanka Dhulka Howdka ah.

Dhowaan ayay ahayd markii xili habeen ah shabaabka ay werareen Bariire oo ciidanka Dowladda Soomaaliya halkaas lagaga dilay 39 Askari.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top