Community

Wiil kale oo Soomaali ah ayaa xalay lagu toogtay magaaladda Minneapolis

Waxaa xalay oo ahayd habeen Axad ah magaalada Minneapolis lagu toogtay wiil dhallinyaro ah oo Soomaali ah.Wiilkan ayaa waxaa lagu toogtay halka ay iska gooyaan labadda wado ee Franklin iyo Jidka wadada koow iyo tobnaad ( 11th Street).

Ciidanka Booliska magaalada Minneapolis ayaa cadeeyay in uu wiilkani u dhintay toogasho iyo xabad lagu dhuftay. Ilaa iyo hadda lama garanayo cidda dilkan geysatay iyo sababta loo dilay wiilkan, laakiin Booliska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira wiilkan la dilay.

 Afhayeen u hadlay Booliska Minneapolis ayaa sheegay in Boolisku uu gacanta ku hayo kiiska wiilkan la dilay xalay, ayna baarayaan cidda dilka geysatay iyo waxa keenay.
 
Waxaa maalman dib u soo noqonaya is xabadayntii iyo dilalka  dhallinyarada Soomaalida ah loo geeysto ama ay isku geystaan. Todobaadkii la soo dhaafay ayaa waxaa sidoo kale gobolka Ohio iyo dalka Canada lagu dilay wiilal Soomaali ah. Waxaa sidoo kale magaalada Minneapolis ka dhacay is xabadeyn aanan wax dhimasho ah sababin. 
 
Ciidanka Booliska magaalada Minneapolis  ee iyagu caganta ku haya dilkan loo geeystay wiilkan ayaa dad weynaha ka codsanaya in ay soo wacaan taleefanka 612-692-8477 ama ay fariin qoraal ah ku soo diraan number-ka 847411(TIP411) haddii ay ogyihiin wax akhbaar ah oo la xiriirta dilkan. 
 
Wixii akhbaar dheerad ah ee ku soo kordha dilka wiilkan Soomaaliga ah waxaad kala socotaan Tusom Times. 

 

To Top