Community

Wiil 17 jir ah ayaa xalay lagu dilay magaalada Fridley

Magaalada Fridley ee gobolka Minnesota ayaa xalay oo ahayd habeen Axad ah, 7/16/2017 waxaa lagu dilay wiil 17 sanno jira ah.

Wiilkan oo meydkiisa laga helay saaka subaxii hore jid ku yaala xaafada Fridley ayaa magaciisa lagu sheegay Mohanned Abdul Hafiz Abukhdeir. Ilaa iyo hadda lama oga qofka dilay iyo waliba sababta loo dilay wiilkan.

Ciidanka Booliiska degmadda Hennepin iyo waliba kuwa magaalada Fridley ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan la xiriira dilka Mohanned Abdul Hafiz Abukhdeir. 

Wixii akhbaar dheerad ah ee ku soo kordha dilka Mohanned Abdul Hafiz Abukhdeir, bogga wargeyska Tusmo ayaan idiin soo dhigi doonaa. 

Latest News

To Top