Wararka Soomaaliya

Webiga Shabeele oo Guray

Muqdisho(Tusmo Times):Webiga dheer ee ka yimaada dhanka Ethiopia ee isku Mara Gobolada Hiiraan, Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada hoose ee Webi Shabeele ayaa Guray.

Bulshada ku nool Sedaxda Gobol ayaa walaac kamuujiyey biya yarada uu bilaabay Webigaas.

Qaar ka mid ah Wax garadka Goboladaas oo lahadlay Tusmo Times ayaa ku macneeyey Biya yarida Webiga Tii ugu horaysay oo ay ku arkaan mudo dhoor sanadood ah Xaalada uu hadda uu ku sugan yahay Webiga.

Webiga Shabeele ayaa hadda ah mid Gudihiisa haawanaya oo Xataa Aan lahayn Mararka qaar dhibic biyo ah.

Arintan ayaa waxay saameyn xoogleh ku yeelatay Xoola dhaqatada ku nool Webiga Jiinkiisa iyo Beerakayda.

Hadda waxay ku nool yihiin xoogaa yar oo xiliga habeenkii ah oo Webiga uu keeno.

Haddii Raxmadda eebe Aan imaanin waa kuwo qarka usaaran halista Haraadka ayaga iyo Xoolahooda.

Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa uu ahaa Webiga mid Aad uliitay ka heli taanka biyo,Markii loo eego Sanadahaas hadda ayuu ka siixun yahay.

Heli taanka Biyaha waxay Muhiim utahay Nafley oo dhan,Haddii la waayana waa mid khatarteeda leh.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top