Wararka Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo ka hadlay khilaafka ka taagan Dekeda Muqdisho iyo Arrimaha Canshuurta

Waxaa maalmahaanba xiran dekadda weyn ee Muqdisho ka dib markii ay ismaan dhaafeen ganacsatada wax kala soo dega dekadda iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle oo saaka dalka dib ugu soo laabtay, kadib safar shaqo oo maalmo kooban ugu maqnaa magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka warbixiyay khilaafka ka taagan Dekeda Muqdisho iyo Arrimaha Canshuurta ee ay ka cabanayaan Ganacstada Soomaaliyeed, taasoo maalimihii dambe soo ifbaxday.

Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa si cad u sheegay in aysan jirin canshuur kordhin lagu sameeyay Ganacstada Dekeda, wuxuu sidoo kale beeniyay hadal shalay Ganacstada ay u soo bandhigeen warbaahinta.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in ay jirto Toban canshuur oo Ganacstada waajib ay tahay in laga qaado, balse duruufo jiro awgeed ay ku soo koobeen oo keliya ilaa Saddex canshuur.

Wuxuu soo bandhigay warqado oo uu sheegay Ganacstada iyo Wasaaradda Maaliyadda in ay kala saxiixdeen, welina uu diyaar u yahay inuu la kulmo Ganacsatada, si uu u dhageysto cabashadooda.

Waxaa dhanka kale Maalinta Beri ah Shir ku qaban doona Dekadda Gudaheeda Ganacsatadii Cabashada Muujiyey waxayna ka jwaabayaan Warka Wasiirka Maaliyadda.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top