Somali News

Tilaabo laga Qaadayo Shaqsiyaad Dowladda Katirsan oo Dhibaato Ka dhaxwada Magaalada Muqdisho

Wasiirka Gaashaan dhiga Soomaaliya iyo Taliyaha Nabad sugida oo ku Goodiyay in Tilaabo laga Qaadayo Shaqsiyaad Dowladda Katirsan oo Dhibaato Ka dhaxwada Magaalada Muqdisho

Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaoolshe oo ah Taliayha Hay,ada Nabad Sugida Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in ay ogaadeen in  ay jiiraan Shaqsiyaad doonaya in  Magaalada ay ka dhacaan qaraxyo iyo dagaal sinabadda hada jirta loo carqaladeeyo.

Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in tilaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadayaan xilkasta oo ay ka hayaan dowladda.

Dhinaca kale waxaa arintaas ku raacay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Cabdi rashiid Cabdullaahi Maxamed waxaana uu sheegay in marnaba la aqbaleynin dadka dhibaata raadiska ah ee Dowladda xilalka ka haya hadii ay ahaan lahaayeen Xildhibaano iyo kuwo kale.

Mas`uuliyiintan ayaa waxay sida wada jir ah usheegeen in magaalada Muqdisho hada nabad ay tahay Muddo 3 bilood ahna ciidamada amaanka ay ka wadaan Xasilinta wax dhib ahna ka dhicin.

 

Latest News

To Top