Wararka Soomaaliya

Wasiirada cusub oo xilalkoodii loo dhaariyay

Waxaa maanta Gudiga Joogtada ah ee Baarlamanka Aqalka Hoose la hor geeyay sedaxda wasiir ee Cusub.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee cusub Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee cusub Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee cusub  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa lagu hor dhaariyay guddoonka golaha shacabka iyo guddiyada joogtada ah.

Dhaarinta wasiiradaan ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Villa Hargaysa ee ku  taala madaxtooyada Soomaaliya Dhexdeeda.

Sababta ayaa waxay tahay Baarlamanka Soomaaliya labadiisa Aqalba waxay ku jiraan fasax sidaas awgeed waxaa la sheegay in ay ka wakiil noqonkaraan gudiga joogta.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top