Wararka Soomaaliya

Wasiir Maanta Hortagay Golaha Aqalka Sare kana hadlay garoonka Aadan Cade

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Salaad Oomaar  ayaa Maanta Hortagay Golaha Baarlamanka Aqalka Sare ee Soomaaliya waxaana ay ka dhageysteen wax qabadka Wasaaradda Gaadiidka ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxaa uu beeniyay in Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho weerar lagu yahay.

Waxaa uu yiri”waxaan idiin sheegayaa in been ay tahay wararka sheegaya in garoonka diyaaradaha ee Muqdisho weerar lagu haya,Amisoom warka ka soo baxay waa wax iyada u gaar ah oo xalane ku saabsan ayuu yiri wasiir oomaar”

Hadlka wasiirka ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo dhowaan war ka soo baxay Amisom lagu shaaciyay in caqabado amaan ay jiraan oo kus aabsan xalane iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

 

 

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top