Wararka Soomaaliya

Wasiir Horay isu Casilay iyo Sargaal Caan ka ah Soomaaliya oo gaaray xudur

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdi rashiid Cabdulaahi Maxamed iyo Mukhtaar Roobow Cali ayaa maanta Garay Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Qaar ka mid ah Saraakiisha ciidanka Xoogga ee Jooga Xudur iyo odayaasha Dhaqanka ee gobolkaas ayaa soo dhaweyn balaaran u sameeyay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga iyo Mukhtaar Roobow.

Magaalada Xudur xaafada loogu talagalay Madaxadaas ayaa waxaa lagu Qalay Lix Neef oo Geel ah,Labo Neef oo lo,ah iyo Ari Tiro Badan.

Deeganaada hoos yimaada Degmada ayaa waxaa iyana ka socda Xoola qalida loo sameeyay Mukhtaar Roobow iyo Cabdirashiid Cabdulaahia Maxamed.

Xudur waxaa ka socota Hilbo cunid.

To Top