Somali News

Wareegto Deg Deg ah oo hada soo Baxaday iyo Mas`uuliyiin Ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo Shaqadii laga Joojiyay

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Garyaqaan Ibraahim Iidle Saleebaan ayaa soo saaray wareegto shaqada uu kaga joojiyey 18 Garsoore oo ka hawl gala maxkamadaha gobolka Banaadir iyo degmooyinka hoos-yimaada.

Lix Garsoore oo Xeer Madaxweyne ku magacawnaa ayaa ka mid ah Garsooreyaasha shaqada laga joojiyey waxayna kale yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Guddoomiyeyaasha Maxakamadaha Degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawl gala Maxkamadda Gobolka.

Waxaa kale oo shaqada laga joojiyey 3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka, Guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka Shangaani, Yaaqshid, Dharkeynley, Xamarweyne, Dayniile iyo 4 Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha degmooyinka Xamar Jajab, Dayniile, Yaaqshid iyo Dharkeynley.

Tallaabadan uu qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa waxaa looga gol leeyahay in laga dhabeeyo ballan qaadkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib u habayn lagu sameeyo nidaamka Garsoorka dalka oo muddo dheer shacabku ay si wayn u dhaliilsanaayeen.

Latest News

To Top