Somali News

Warar ku saabsan ciidamada Itoobiya

Sida wararka aan ku heleyno ciidamo Itoobiyan oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM ayaa ku wajahan deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha hoose oo dhawaan Ciidamada AMISOM ay ka baxeen.

Deegaanka leego waxaa maamula xarakada Alshabaab oo 4 tii bishan dib ay ugu suurtagashay  gacan kuhayta deegaanka oo ay iskaga bexeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka.

Guddoomiyaha deegaanka Leego ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in ciidamo Itoobiyan ay tagaan deegaankaasi.

Wuxuu sheegay in muhiimada ay tahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanka gacanta Dowladana loogu soo celin lahaa.

Al-shabaab oo qabsaday deegaankaasi ayaa dhawaan soo bandhigay sawiro muujinaya saldhiga ciidamada AMISOM ay deegaanka ku lahaayeen oo dagaalyahano shabaab dhifeysyo ka qodanaya.

Latest News

To Top