Somali News

War hooes oo ay Heshay War Baahinta Tusmo kuna Saabsan Sar Gaal Mukhtaar Roobow Cali

Mukhtaar Roobow Cali ayaa waxaa la sheegay in uu u dhamaaday Wada hadalkii Madaxda Soomaaliya uu lalahaa ka dib Markii uu Muqdisho yimid.

War Aan si Hoose uhelnay ayaa wuxuu sheegayaa in Mukhtaar uu ka tanaasulay Hadafkiisii ahaa in uu Shabaab la dagaalamo Asagoon dowladda Soomaaliya ka Mid ahayn.

Hada ayaa waxaa uu ogolaaday in Asagoo ah Sargaal Sare oo ka tirsan dowladda federaalka soomaaliya uu ladagaalamo Al-shabaab loona xil saaro Gobolada Baay iyo Bakool.

Mukhtaar ayaa la sheegay in Dowladda Xageeda uu ka helay qarash iyo saanad Milatari oo uu kula dagaalo Al-shabaab Maalmaha soo socdana uu ku wajahan yahay Magaalada Baydhabo ee Xarunt gobolka Baay.

Sargalkan ayaa warku wuxuu intaas ku daryaa in Markii uu tago Baydhabo uu la kulmi doono Saraakiisha itoobiya ee Jooga Halkaas ka dina uu u Gudbi doono Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ka dina uu aadi doono Deegankii uu Mudoba ku noolaa ee Abal.

Wixii intaas ka danbeeyana uu bilaabi doono Dagaalka Al-shabaab.

Warkan ayaa waxaan ka helnay Mid ka mid ah Xildhinada Maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya oo naga Codsaday in Aan magaciisa soo xiganin balse xogta rasmiga ah uu noo ogolaaday in aan ka qorno.

Latest News

To Top