Somali News

War Deg Deg ah oo ku saabsan Gobolada dhexe ee Soomaaliya

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed   Geele Ducaale Xaaf  ayaa waxaa uu sheegay in wadahadallo hoose ay u socdaan Galmudug iyo sidoo kale Maamulka Ahlusunna waljamaaca.

Mudane Xaaf ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay soo Afjarida Khilaafka ka dhex jira Ahlusunna iyo Galmudug.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in si shaacsan ay u furmi doonaan dhawaan wadahadalada Galmudug iyo Ahlusunna.

Madaxweynaha cusub ee Galmudug Mudane Axmed Geelle Ducaalle ayaa markii la doortay wacad ku maray in heshiis iyo nabad uu ka dhalin doono gobolada Dhexe.

Dhan kale Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa uu sheegay in lasoo Afjari doono colaada ka taagan Bariga gobolka Mudug.

Haddii ay rumowdo wadahadaladan qarsiidida ah ee hada u bilowday Ahlusuna waljamaaca iyo Maamulka Galmdug Madaxdooda waxay dhaxal gal u noqonaysaa shacabka ku nool gobolada dhexe ee soomaaliya.

Sidookale waxaa meesha ka baxaya qodaxdii ku taagneed maamulka Galmudug.

Comments

comments

To Top
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
Seo wordpress plugin by www.seowizard.org.