Health

Wada Hadalka Qoyska ee Kala Dheeraynta Dhalmada

Saddexdii sano ee la soo dhaafay, WellShare International iyo Jaamacadda Saint Catherine waxay ka wada shaqeynayeen sidii loo waydiin lahaa bulshada Soomaalida ah daraasado ku saabsan wada hadalka qoyska iyo go’aan qaadashadooda la xiriirta kala-dheeraynta ilmaha. Waxaan  waraysanay 10 haween ah iyo 10 rag ah, oo dhammaantood Soomaali xaasas leh oo ku nool Twin Cities.

Waxaan daraasasdaas ku ogaanayo in:

  • xubnaha bulshada ee ogsoonaa in diinta Islaamku taageersantahay kala Dheeraynta dhalmada ay tahay qayb muhiim u ah rabitaankooda in ay isticmaalaan oo ka wada hadlaan habka kala dheereynta dhalmada
  • Lamaanayaasha haysta caruur ay dhalashadoodu isku dhowdhowdahay, ama raba inay ka hortagaan in ay caruurtoodu isku dhowdhowaato, ayaa ah sababta ugu weyn ee ku dhiirigelisa in ay ka wada hadlaan hababka kala Dheeraynta dhalmada; iyo
  • Ku dhowaad dhammaan xubnaha bulshada ee aan waraysanay waxay isku raaceen in wada hadalka qoyska ee dhanka go’aan qaadashadu ay tahay mas’uuliyad la wadaago, in la isu tudho, iyo in labada qofba ay si wanaagsan u bartaan in ay si haboon uga wada hadlaan kala dheeraynta dhalmada.

Xidhiidhka u dhexeeya labada isqabta ee ku saabsan hababka kala-dheeraynta dhalmadu waa mid faa’iido leh. Cilmi-baadhis ayaa muujisay in labada lamaane ay ku guuleystaan ​​in ay gaaraan ujeedooyinkooda markii ay ka wada hadlaan oo ay ku heshiiyaan qorshe.

Wakhti kasta waa wakhti fiican oo lagu bilaabi karo wadahadal ku saabsan kala Dheeraynta dhalmada. Si kastaba ha noqotee, kala Dheeraynta dhalmada ayaa u shaqaysa sida ugu fiican marka hooyada iyo aabaha labadooduba ay ka wada hadleen oo ay horay u go’aansadeen sidii ay carruurtooda u kala durkin lahaayeen. Kala Dheeraynta dhalmadu waxay caawineysaa in aad ku dadaasho in ilmaha iyo qoyskaagu ay caafimaad qabaan oo xoog badan yihiin ka hor intaan ilmo kale imaanin. Waxay u leedahay faa’iidooyin hooyada, aabbaha, iyo carruurta. U jeedadu ma aha in la xadido ama la yareeyo tirada carruurta qoyskaaga.

Waxaad kala hadli kartaa dhakhtarkaaga, shaqaalaha caafimaadka bara, shaqaalaha caafimaadka bulshada, ama imaamka wixii ku saabsan kala dheeraynta dhalmada. Laakiin, xasuusnow, qofkasta oo aad dooratid inaad la hadasho, lammaanahaagu waa inuu ka mid noqdo wadahadalkaas!

Anaga oo rajeynayna in aan ku taageerno qoysaska dhanka dadaalkooda wada hadalka iyo go’aan qaadashada, waxaan samaynay fiidiyoow. Fiidiyowgeena cusub  –  Go’aan Qaadashada oo ay Taageersantahay Culimada iyo Dhakhaatiirtu.  Waxaad ka heli kartaa adiga oo Youtube ka raadiya “Child Spacing: Somali Family Decision Making” ama cinwaankan: https://www.youtube.com/watch?v=TNtOHSStJfQ&t=20s

Haddii aad rabto in aad dalbato jalada waxaad soo booqada bogga: www.wellshareinternational.org.

Tags
Show More

Abdirahman Mukhtar

Abdirahman Mukhtar is the editor in chief of Tusmo Times and host of Tusmo Culture Radio Show.
Close

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker