Community

Soomaalida Minneapolis oo Taageero Xoog leh u Muujiyay Jacob Frey

Qaar kamid ah oday dhaqameedyadda, ugaas yadda iyo waliba indheer-garadka jaalliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa taageeray Jacob Frey oo u Sharraxan xilka Duqa Magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Kulan lagu taageerayo Jacob Frey oo isagu hadda ah Gudoomiyaha Degmadda Saddexaad ee Magaalada Minneapolis, ahna murashax u taagan xilka iyo kurisga Duqa Magaaladda Minneapolis ayaa lagu qabtay makhaayada Quruxlow ee Magaaladda Minneapolis.

Xubnaha kala duwan iyo oday dhaqameedyadii ka socday jaaliyadda ayaa iyagu taageero buuxda u muujiyey Jacob Frey, una sheegay in ay garab istaagayaan, kaalin buuxdana ay ka geysan doonaan ololaha iyo diyaar-garowga uu ugu jiro doorashada.

Maxamed Amiin oo kamid ah dhallinyaradda aadka uga dhexmuuqda jaaliyadda Soomaaliyeed iyo waliba dadka ku lug leh arrimaha siyaasadda gobolka Minnesota ayaa isagu furay Kulankan lagu taageerayey Jacob Frey. Maxamed Amiin ayaa haddaba soo dhaweeyay dhamaan dadkii ka soo qaybgalay kulanka iyo murashax Jacob Frey.

Jacob Frey oo qudbad kooban goobta ka jeediyey ayaa ugu horeyntii u mahadceliyey dhamaan dadkii goobta joogay, gaar ahaan oday dhaqameedyadda Soomaaliyeed ee taageeradda buuxda u muujiyey.

Sidoo kale, Jacob Frey ayaa isagu sheegay in uu aad iyo aad u danaynayo sidii uu xiriir wanaagsan oo waara uu la yeelan lahaa bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladda Minneapolis.

Gudoomiye Jacob Frey, ayaa sheegay in haddii loo doorto xilka Duqa magaallada Minneapolis uu  dajin doono qorshe wax looga qabanayo arrimaha la xiriira bulshadda Soomaaliyed sannadka ugu horeeya. Jacob Frey ayaa yiri, “Waxaan jeclahay oo aan rabaa in qaarkamid ah hogaamiyeyaasha Soomaaliyeed ay qabtaan xilalka ugu sarsareeya ee waaxaha kala duwan ee ay ka koobantahay magaaladda Minneapolis”.

Waxaa iyaguna goobta hadalo kala duwan ka jeediyey Ugaas Canshuur iyo Ugaas Dhicis oo iyagu ku dhiira geliyay dadkii kulanka joogay in ay taageeraan gudoomiye Jacob Frey.

[unitegallery Jacobfrey]

 

Latest News

To Top