Opinions

Siyaasi Cali Daacuun oo wax ka qoray dadka mucaaradsan dowladda Soomaaliya

Madaxweynuhu waa Gal Mudug, ra’isul wasaaruhu waa Gal Mudug, siyaasi Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur waa Gal Mudug,
Axmed Fiqi waa Gal mudug, Xasan Macalin waa Gal Mudug, Kamaal waa Gal Mudug,
Shidoor waa Gal Mudug.

Inta aanan xusin magacyadda dadka mucaaradka ku ah dowladda ee ka soo jeeda Gal Mudug waxaannu ka Rabnaa maxaad Rabtaan Haddii wixii oo dhan aad Haysataan?

Waxaan mudanahay in layga soo jawaabbo qoraalkan.

Haddii ay dhacddo jawaabtu inay noqotto boqortooyo ayaannu rabnaa, waannu idin siin, maxaa yeelay dawlad la’aan ayaa na ragaadisey.

Saaxiibaday oo aan aad ugu kalsoonahay, abaalna igu leh waa (Odawaa iyo Mahad Salaad oo aanan kur ku soo xusin iyaguna
waa Gal mudug.

Qoraaladaydu waa markhaati nool, qofkii qoonsada waxaan u ogolahay inuu igala xaajooddo, ama uu geeyo maxkamad, waa haddii aan meel kaga dhacay.

Siyaasiyiinta Gal Mudug ha dareemeen in ay haystaan wax aan dadku haysan mana dhicin, inta aan garanaayo madaxweyne iyo ra’isul wasaare ka soo wada jeedda ( GAL MUDUG)
Maanta ka hor, ama ka soo jeedda Gobolada kale.

Ogaada taariikhdu in ay wax idinka qori doonto. Ogaada taariikhdu inay markhaati idin ku furi doonto. Ogaada wixii Soomaali ka dhaxeeyey in aad
keligiin haysataan, waa haddii aad tihiin Gal Mudug.

 

Qore: Siyaasi Cali Daacuun

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

Latest News

To Top