Wararka Soomaaliya

Shirka Madasha Qaran oo qodobo Hor dhac ah laga Soo saaray

Shirka ka socda Xarunta Xalane ee udhow Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa Shir gudoominaya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.

Waxaana uu udhaxeeyay Madaxda Maamulada kajira Soomaaliya gaar ahaan shanta Dowladda hoostimaada.

Qodobada galabta sida hordhaca ah ee loo soo saaray waxaa ka mid ah dardargakinta qodobadii shirkii Lodon,qodobadii shirkii ka dhacay Muqdisho Bishii November iyo balamihii Ciidanka 18000 kun ahaa.

xoojinta dagaalka Al-Shabaab.

Ciidanka waxaa ilaa hadda bilaabay Maamulka puntland oo Dowladda ku wareejiyay 2400 oo askari iyadoo Maamulkasta laga doonayo 3000 oo Askari.

Madasha shirka waxaa ka qeebgalay Safiirada waddamada Caalamka ufadhiya Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo Maakinka Beri ah ama saadambe.

Madaxdan ku shiraysa Muqdisho ayaa horay ugu balamay in Bishan horaabteeda Markale shir iskuugu yimaadaan Xamar.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top