Wararka Soomaaliya

Sharciga dib u,eegista Shaqaalaha Rayidka oo Furmay

Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulahi Xaaji Cumar Camey ayaa si rasmi ah uga furay magaalada Garowe ee Caasimadda Puntland Shirka dib u Eegista iyo ka wadatashiga Sharciga Shaqaalaha Rayidka ee L11 oo ay soo diyaarisay Wasaaradda, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed.

Waxaa shirka daah-furkiisa soo qaban qaabiyay Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qeybgalaya Wasiirada Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo ka wada-tashan doono sharciga shaqaalaha rayidka ah oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee DF Soomaaliya.

Inta uu socdo shirkaasi ayaa waxaa siweyn diiradda lagu saari doonaa dib u eegista sharciga shaqaalaha rayidka, iyadoo la filayo in ugu dambeyntii laga soo saaro qodobo wax ku ool ah.

Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka ayaa maalinimadii shalay aheyd gaaray caasimadda Puntland ee Garowe, waxaana soo dhaweyn kadib ay kormeereen dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Garowe kaasi oo la filayo in dhawaan xarigga laga jaro.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top