Wararka Soomaaliya

Shacabka Maamulka Soomaaliland oo Bari Udareeraya Codbixin

Dhamaan Gobolada Maamulka Soomaaliland waxaa ka bilaabanaysa Codbixinta Madaxweynaha Bedelaya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Shacabka Maamulkaas ayaa waxay kala dooranayaan Sedaxda Murashax ee kala ah Faysal Cali waraabe oo ka socda Xizbiga Ucid,Cabdiraxmaan Ciro oo ka socda Xizbiga Wadani iyo Muuse Biixi Cabdi oo ka socda Xizbiga Kulmiye ee hadda talada haya.

Siyaasiyiinta udhuun duleela Soomaaliland waxay sheegayaan labada Xizbi mid kood in uu doorashada hanan doono Waa Xizbiga Wadani iyo Xizbiga Kulmiye.

Maalinta Bari ah oo taariikhda ay Ku began tahay 13-11-2017 hal saac ayaa shacabka loo furayaa Sanaadiiqda waxaana la soo gaba gabeynayaa lixda Maqribnimo waa la,arki doonaa Cida Ku guuleysta Madaxtanimada Maamulka Soomaaliland ee xukumi doona Shanta Sano ee soo socta.

 

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top