Wararka Soomaaliya

Shacabka laga barakiciyay Deegaano kamid ah Degmada kaxda oo sharaxay Sida ay wax u dhaceen

Waxaa dhamaadkii sanadkii dhamaaday ee 2017 deegaano kamid ah Degmada kaxda laga bilaabay Bur Burin.

Dhulka la burburinayo ayaa waxaa deganaa qoysas farabadan oo ugu badan ee ka soo qaxay Abaartii xooganeed ee ku dhufatay soomaaliya.

Cabdi shakuur Xaashi Caraale sharoobo oo wareysi gaar ah siiyay War Gayska Tusmotimes.com ayaa waxaa uu sheegay in dhulkan uu ahaa mid markii horaba la isku haystay.

Haatana ay soo galeen dad dano gaar ahaaneed wata oo qaar kood ka socda Dhinaca Baarlamanka soomaaliya.

Waxaa uu intaas warkiisa ku daray in xataa qoysaska iyagoo lagu war gilinin Cagaf Cagaf loo adeegsaday oo iyaga iyo Alaabtoodii banaanka lagu Tuuray.

Qoysaskaas ayaa hadda waxay yihiin kuwo banaan yaal ah oo aan haysan meel ay ku noolaadaan.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top