Wararka Soomaaliya

Shacabka ku nool Agagaarka Warshadda Barfuunka oo Xalay Walaac Muujiyay

Warshadda Barfuunka ee Degmada Huruwaa ee Gobolka Banaadir ayaa xalay waxaa lagu weeraray Hoobiyaal.

Halkaas waxaa degan Ciidan kamid ah Militariga Soomaaliya oo mudo dheer fariisan u ah Xarunta.

ilaa hadda Macada halka hoobiyaasha laga soo Tuuray iyo cida soo tuurtayba,waxaa intaas dheer sidoo kale macada waxa khasaaro ah oo soo gaaray ciidankii Hoobiyaasha lagu weeraray.

Qaar kamid ah qoysaska degan Agagaarka Wershadda ayaa waxaa la soo gudboonaatay Cabsi ah in ay ku wax yeeloobaan Weerarka hoobiyaasha ah ee war shadda lagu qaaday.

War kale waxaa uu sheegayaa in Qaar kamid ah Shacabka wax yeelo ka soo gaartay weerarka ee xalay ka dhacay War shadda Barfuunka ee degmada huruwaa.

Shacabka Muqdisho ayaa Mudo dheer ka dib xalay waxay u,ahayd Habeen cabsi gaar ahaan kuwa ku nool Agagaarka War shadda Barfuunka.

Mamaulka degmada wali kama,aysan hadlin wixii xalay ka dhacay War shadda Barfuunka.

To Top