Wararka Soomaaliya

Senator Cabdi Qabdiid oo Cadeeyay Cida Gurigiisa Weerarka Ku Qaaday

Cabdi Xasan Cawaale Qabdiid oo ka mid ah Golaha Baarlamanka Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in Gurigiisa Maanta ay xoog ku galeen Ciidan watay Gawaari Afar ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Gurigiisa Albaabka ay gaari ku dhufteen ka dibna Ciidanka guriga Gudaha ay ugaleen lagana qaatay Bastoolad iyo Moobeelo.

Xiliga Guriga laweerarka  uu qabsadayna ku maqnaa shaqo.

Labo Askari oo guriga joogayna midna uu dhaawacyahay mudna lajirdilay.

Ciidanka weeraray Gurigiisa ayaa waxaa uu ku sheegay in ay yihiin Ciidan ka mid ah kuwa ay tababareen Imaaraadka Carabta.

Dhinaca kale waxaa Weerarkan Canbaareeyay Madaxweynaha Jamahuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.

Waxaa hadda arinkaas baaris ku haya ku simaha talinta Ciidanka NISA iyo ku simaha talinta Ciidanka Booliska.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top