Wararka Soomaaliya

Sedax Degmo oo ka mid ah Gobolka Banaadir oo Amaankooda uu Xumaaday

Sedaxada Degmo ee ka mid ah Gobolka Banaadir ee Amaankooda Xumaaday waxaa ka mid ah Degmada Dharkenley, Dayniile iyo Degmada Waaberi.

Shacabka ku nool Degmooyinkaas ayaa waxay Wargayska Tusmotimes. Com u sheegeen in maalin iyo Habeenba lagu hayo dhac joogto ah.

Degmooyinkan ayaa la sheegayaa in ay ku sugan yihiin Maleeshiyaad hubaysan oo dhac joogto ah ku haya shacabka Degmooyinkaas.

Waxaa intaas dheer dharkenley iyo waaberi dilalka joogtada noqday oo ka dhaca dharkenley iyo Waaberi.

Gudoomiyaasha Degmooyinkan ayaa ah kuwo Aan ka war qabin xaalada Bulshada ay Madaxda uyihiin sida ay sheegayaan Shacabka Degmooyinkaas.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top