Wararka Soomaaliya

Saraakiil Maanta lagu Dhaariyay General Kaahiye

Saraakiishii Abid ugu badnaa Xagga Booliiska oo wada Aqoon yahano ah ayaa Maanta loo dhaariyay Xilka Saraakiilnimo.

Saraakiishan oo ka baxay intooda badan Jaamacadaha ku yaala Muqdisho ayaa waxaa lagu Tababaray Dugsiga Tababarka ee General Kashiye ee Muqdisho.

Waxaana loo qabtay Maanta Xaflad lagu dhaarinayay.

Waxaa Xafladaas ka qeeb galay Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar islow Ducaale iyo Wasiiro,Xildhibaano iyo Taliyaha Ciidanka Booliska General Mukhtaar Xasan Afrax.

Dhalanyaradaan oo loo xiray Derajooyinkooda ayaa waxay Tiradooda Gaaraysaa 199 Sargaal.

Qaar ka mid ah Mas,uuliyiintii Goobta ka hadashay oo uu ka mid ahaa Wasiir islow ayaa waxay sheegeen in dhalanyaradaan ay yihiiny dhalanyaro wada Aqoon yahano ah oo Xagga Booliiska wax badan ka bedeli doono.

Saraakiishan Aqoon yahanada ah ayaa Markii ay dhameysteen Jaamacadaha ay dhiganayeen waxay ku Biireen Booliiska Soomaaliyeed.

Saraakiishan oo dhankooda Xaflada ka hadlay waxay ka dhawaajiheen in Aqoontooda lagu khasaari doonin

To Top