Somali News

Ra`iisul wasaaraha oo xarigga Ka jaray Saldhig Milateri

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow xarigga ka jaray Saldhigga Milateri uu Turkiga ka dhisay magaalada Muqdisho, kaa soo lagu tababari doono Ciidamada Soomaaliya.

Munaasabadda Furitaanka Saldhiggan oo goor dhow soo gaba gabowday ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wakiilo ka socday Beesha Caalamka, saraakiil ka kala socday Turkiga iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo uu wehliyay Taliyaha Ciidamada Turkiga, Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya iyo Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray sladhiggan.

Saraakiisha Turkiga ayaa soo bandhigay qorshayaasha Saldhiggan iyo howlaha uu qaban doono, iyadoo lagu wado in dhowaan lagu arkayo in ka badna 1,000 askari oo lagu tababari doono xerada.

Waa saldhigii u horeeyay ee Turkiga ka dhisto Afrika, waxaana saldhiggan loo dhisay qaab casir ah, waxaana ku sugan cutubyo ka tirsan Ciidamada Milateriga Turkiga oo wata gaadiidkooda gaashaaman.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top