Arts & Culture

Qooto Qooto oo loo doortay ereyga sannadka

Wargeyska Tusmo Times ayaa dhammaan akhristayaasha sharafta mudan ee ku xiran  ka codsaday in ay u codeeyaan ereyga sannadka. Codbixinta Ereyga Sanadka 2016 ayaa waxaa loo kala codeynayey labada erey ee Qooto Qooto iyo Dadban.

Haddaba iyada oo ay jireen ereyo badan oo ay Soomaalidu aad u isticmaashay sannadkan, qaar badan oo kamid ah dad weynaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka iyo waliba dibadiisaba ayaa codeeyay una garatay labadan ereyga QOOTO QOOTO in uu yahay ereyga sannadka 2016.

Labadan erey ee loo codeynayey ayaa mid walba si aad ah loo isticmaalay sanadkan. Tusaale ahaan, ereyga DADBAN waxaa mar walba la maqlaa marka laga hadlayo doorashadda dalka Soomaaliya. Doorashadda dalka ka socota ayaa waxaa loo bixiyay “Doorasho Dadban”.

Maadama uu ereyga Qooto Qooto noqday ereyga sannadka 2016, waxaad hoos ka daawataa heestii Qooto qooto iyo waliba riwaayad kamid ah riwaayadaha tiradda badan ee laga jilay ereygan.

 

 

Comments

comments

To Top
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
Seo wordpress plugin by www.seowizard.org.