Local

Qofkii weerarka ka geystay Mall of America oo Soomaali noqday

Waxaa maanta la shaaciyey qofkii xalay weerarka ka geystay suuqa weyn ee Mall of America. Mahad Abdiaziz Abdirahaman oo 20 sanno jira ayaa la sheegay in uu yahay qofka dadka toorida la dhacay.

Mahad-Abdiaziz-Abdirahman-mugshot

Ugu yaraan seddex qof ayaa la soo wariyay in lagu dhaawacay dukaanka Macy’s ee ku yaala Mall of America kadib markii Mahad Abdiaziz Abdirahaman uu toori ku weeraray dadkan ka adeeganayey dukaanka Macy’s habeenkii Axada saacadu markay ahayn 6:45 fiidnimo.

Warar ka soo baxay ciidanka Booliiska magaalada Bloomington oo ay ku daabaceen barta Twitter ayaa sheegaya in weerarkani uu ka dhacay qaybta ragga ee dukaanka Macy’s.

Hal qof ayaa dhabarka laga dhaawacay; waxaana la sheegaya in la xiray Mahad Abdiaziz Abdirahaman oo isagu ka dambeeyay weerarkan.

 

Ciidanka Booliiska magaalada Bloomington ayaa sheegay in laba qof oo dhaawac ah iyo Mahad oo isagu weerarkan geystay loo qaaday Xarunta Caafimaadka ee Hennepin County ee magaalada Minneapolis, sababo la xiriira dhaawac ka soo gaaray weerarka awgood.

Wixii akhbaar dheerad ah ee ku soo kordha weerarkan halkan kala soco.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top