Wararka Soomaaliya

Qarax Sababay Dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Deegaanka Weydow

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay laamiga dheer ee isku xira Muqdisho iyo Degmada Af gooye ee Shabeelada hoose sida ay inoo xaqiijiyeen shacabka ku nool Deegaanka weydow ee Gobolka Bnaadair.

Xiliga qaraxa uu dhacayay ayaa waxaa wadada Marayay qaar ka mid ah kolonyada Gaadiidka Ciidanka Amisom waxaana qaraxaas ku dhaawacantahay 3 qof halka dhimashadana la sheegay in hal qof uu jiro.

waxa qarxay ayaa dadka deegaanka waxay ku sheegeen in uu ahaa miino wadada qarkeeda lagu Aasay.

wadadaas ayaa Caadiyanba waxaa ka dhaca qaraxyada noocaan ah markii ciidanka Dowladda Soomaaliya ay marayaan wadada iyo kuwa Amisom.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top