Wararka Soomaaliya

Qarax ka dhacay Degmada Dayniile

Wararka aan Caawa ka heleyno Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu shegayaa in Qarax lagu Xiray Gaari uu ku qarxay Xaafad ka mid ah  Degmada Deyniile ee Gobolkan Baanadir.

Qaraxa ayaa sida aan Wararka ku helnay waxa uu ahaa mid qof loogu Xiray Gaari uu watay,kaas oo sida la tilmaamay kula qarxay Mid ka mid ah Xaafadaha ku yaala Degmada Deyniile.

Dhanka kale Wararka qaar ayaa waxaa ay tilmaamayaan in qofka loogu Xiray Gaarigiisa Qaraxa uu ka bad baaday.

Sidoo kale Maamulka Degmada Deyniile oo aan Xiriiro kala duwan la sameynay kama aysan jawaabin Xiriirkii Aan lasamaynay si aan Wax ugu weydiino shakhsigan Gaarigiisa Miinada loogu xiray ee Ka bad baaday balse Gaarigiisa Qaraxa uu Bur Buriyay waxa uu ahaa.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top