Wararka Soomaaliya

Musharax Shaaciyay Meesha uu usharaxan yahay

Musharax Cali Cabdi Abuukar Prof  Baab oo waraysi siiyay War Gayska Tusmotimes.com ayaa waxaa uu sheegay in uu u sharaxan yahay Xilka Madaxweyne ee Maamulka Koonfur galbeed.

Musharaxa ayaa waxaa uu intaas ku daray ka dib markii uu arkay in Dayacaad farabadan ka muuqato Shacabka Maamulka Koonfur Galbeed uu isu soo sharax.

Waxaana warkiisa intaas ku daray in 8 Bilood ee soo socoto isku diyaarinayo qaabkii uu ku wajihi lahaa Doorashada ku soo fooda leh Maamulkaas ee Hadda Madaxweynaha uu ka yahay Shariif xasan.

Cali Cabdi Abuukar ayaa waxaa uu sheegay in Maamulka Koonfur galbeed la,aas aasay Mudo dheer laakiin marba mar xalad la soo maray laakiin sanadii 2014 dib loo aas aasay

Shariif xasan ayuu kuu eedeeyay in uu noqday shaksi dulaal ah oo aan ka war haynin shacabkii loo doortay wax kastana uu asaga afka u dhigtay shacabkiisana ay dayacan yihiin.

Prof Baab ayaa waxaa uu ka sheekeeyay wax barashadiisa waxaana uu sheegay in labo shahaado uu ka haysto labo jaamacadeed midna soomaaliya uu kaga baxay midna Ingiriiska kaga baxay oo shahaadooyinka jaamacadeed midood ay tahay mid ku tacaluqda Xaga Maamulka.

Waxaa uu sheegay in uu ku dhashay Degmada Af Gooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Waxaa kaloo uu ka hadlay in jaamacadda umada uu mar macalin ka soo noqday iyo jaamacad ku taala Yeman iyo Mid ku taala Ingiriiska.

Waxaa intaas dheer oo uu sheegay in Dhoor hay,adood uu ka soo shaqeeyay khibrad ku filan oo waayo aragnimo ahana uu leeyahay.

ugu dambeyntii waxaa uu ku soo gunaanaday in uu ku hayan weyn yahay in uu xilkaas ku guuleysto haddiibu yiri aan imaanin fara galin dibadda ah.

 

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top