Somali News

Mudaharaad Rabshado wata oo Maanta ka dhacay Muqdisho

Qaar ka mid ah wadayaasha Moota sedax lugaaleyda ee Bajaajka loo yaqaano ayaa maanta Mudaharaad ka dhigay wadada KM4 ee Magaalada Muqdisho.

Dibad baxooda ayaa waxaa uu ku saleysnaa ka dib markii loo diiday in ay istimaalaan qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho.  Labo qof  ayaa ku dhaawacmay mudaharaadkan, halka labo kamid ah bajaajliyaasha ay ku geeriyooday maanta rasaastii lagu kala eryayay dilawaradii iyo bajaajleyda Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa dab laqabadsiiyay gaari ay leeyihiin Ciidanka Amisom oo wadada isku dayay in xoog uu kumaro, ka dib markii wadada ay xidheen bajaajleyda Mudaharaadayey.

Xaalada ayaa wali qasan. Wixii warbixin ah ee ku soo kordha arrintan waxaad kala socotaan Tusmo Times. 

Latest News

To Top