Community

Minnesota iyo Xuska Maalinta Xorriyada Soomaaliya, Daawo Sawirrada

Photo by Sj Hassan

Xafladdo kala duwan oo lagu maamuusayo maalinta xorriyada Soomaaliya ee Kowda Luulyo ayaa lagu qabtay meello kale duwan oo ka tirsan gudaha dalka Soomaaliya iyo dibeddaba.

Magaallada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa haddaba waxaa lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayo maalinta xornimada Soomaaliya oo ay ka soo wareegatay 57 sannadood.

Munaasabaddan sida wanaagsan loo soo agaasimay ee loogu dabbaal degay 57 guuradii kasoo wareegtay xornimadda Soomaaliya iyo xuska koowda Luulyo ayaa waxaa lagu qabtay jidka weyn ee Lake Street.

Jidka weyn ee Lake Street oo kamid ah wadooyinka halbowlaha u ah magaallada Minneapolis ayaa gebi ahaanba loo xidhay xuska lagu maamuusayo maalinta xorriyada Soomaaliya ee Kowda Luulyo. 

Hay’adda KaJoog oo ay hogaamiyaan dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa iyagu lahaa abaabulka iyo qabashadda xafladda Xuska Koowda Luulyo ee shalay lagu qabtay magaallada Minneapolis.

 

 

Comments

comments

To Top
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
Seo wordpress plugin by www.seowizard.org.