Wararka Soomaaliya

Mid ka mid ah madaxdii tallada Dalka soo qabtay oo guri xoog looga haystay loo celiyay

Markii ugu horeysay muddo kadaban 20 sano kadib ayaa qoys ka soo jeedo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa dib loogu celiyay guri xoog looga haystay, kaasi oo kuyaala degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafada layiraahdo Tii Tiinley oo u dhow KM4.

Taabit Cabdi Maxamed Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho ayaa Sheegay in Qof muwaadin ah aan laga heysan Karin Hantidiisa, Wuxuuna Balan ku qaaday in loo Dulqaadan doonin shaqsi Guri uusan laheyn si sharci darro ah ku heysta laga yeeli doonin.

Fulinta howshaan, ayaa goob joog ka ahaa Maamulka Degmadda Wadajir, Xilibaano, Siyaasiyiin, Odayaal Dhaqameed, qaar ka mid ah Caruurtii uu dhalay allaha unaxariistee Maxaweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Dhowr jeer ayaa maamulka gobolka Banaadir waxaa uu ku guuleystay in uu dib u celiyo hanta ay leeyihiin qoysas horey xoog loogala wareegay hantidooda.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top