Wararka Soomaaliya

Maxay yihiin Waxa ka Cusub Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ee Jooga Gobolkaas Galabta ay qaadeen duulaan ku saabsan lawareegida Deegaano Dhowaan ay ku soo xoogaysteen Al-Shabaab oo Aan ka fogayn Degmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka qeebta Gobolkaas Jeneral Tawane Axmed Guray oo Gabaldhicii Caawa Shir Jaraa,id ugu Qabtay Saxaafadda Gobolka Hiiraan Meel 15 KM ujirta Beledweyne ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Soomaaliya qeebtooda Hiiraan ay usuura gashay in Al-Shabaab ay ka saaraan Afar Deegaan oo ka mid ah duleedka Beledweyne oo mudo Shabaab ay isku Abaabulayeen.

Taliye Tawane waxaa uu intaas warkiisa ku daray u jeedka hadda ay u qaadeen weerarkaas ayaa wuxuu ku macneeyey in ay ka war heleen Xog ku Aadan in Shabaabka joogay halkaas damac sanaayeen Weerar ku wajahan Xarumaha Ciidanka Xoogga iyo kuwa Amisom ee Magaalada Beledweyne iyagoo ka hortagaya khataragaas ay ka hortageen.

Ciidanka Soomaaliya ee qabsaday Tuulooyin kaas Afarta ah Caawa waxay ku hooyanayaan Deegaanadii ay qabsadeen.

Ciidanka Xoogga ee Galabta qabsaday Deeganadaas ayaan la kulmin wax iskacaabin ah kadib markii Ciidanka Shabaab ee joogay halkaas dhankoodu ka war heleen duulaanka ku soo wajahan Islamarkaana baneeyey Tuulooyinka.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Ciidanka Shabaab ay uruuqaan sadeen Buuralay ku yaala Goobo Aan ka fogayn Meesha hadda ay la wareegeen Ciidanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka qeebta Gobolka Hiiraan Jeneral Tawane Axmed Guray waxaa uu ku Goodiyay in ilaa Shabaab ay ka saaraan Buurahaas uu soconayo Howlgal kooda.

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top