Community

Maxamuud Nuur oo dacwad ka furay doorashadii degmadda lixaad

Maxamuud Nuur oo ahaa musharax u tartamayey kursiga degmadda 6-aad ayaa maanta si rasmi ah u furay dacwad iyo codsi uu ku dalbanayo in dib loo tiriyo dadkii ka codeeyay doorashadda degmadda lixaad ee la soo gebagabeeyay 7-dii bisha Nofeembar, 2017.

Maxamuud Nuur ayaa codsaday in dib loo tiriyo dhamaan codadkii la dhiibtay, wuxuuna  codsaday in hal hal gacmaha loogu tiriyo dhamaan codadkii la dhiibtay wakhtigii ay doorashadu socotay oo dhan.

Cabdi Warsame ayaa ka guuleystay Maxamuud Nuur iyo Faadumo Yusuf oo iyaddu mataleysay xisbiga Jamhuuriga.

Codsiga iyo dacwada Maxamuud Nuur ayaa imanaya kadib markii Cabdi Warsame uu helay cod dhan 3,629 halka uu Maxamuud Nuur helay 3,390 cod.

Maxamuud ayaa ku andacoonaya in uu isagu ku guuleystay dhamaan xaafadaha ka tirsan degmadda 6-aad ee laga codeeyay, balse guusha doorashada la siiyay Cabdi Warsame.

Sharciga ayaa u ogolaanaya in uu Maxamuud Nuur iyo qof kasta oo musharax doorasho ah uu mudo todobo cisho ah doorashada kadib ay codsan karaan in dib loo tiriyo codadkii

Loolankan loogu jiray kursiga degmadda lixaad ee magaalada Minneapolis ayaa ah mid aad loo hadal hayey, olole aad u weyna ay galeen dhinacyadii iyagu u tartamayey in ay hantaan xilka kursiga gudoonka degmadda lixaad.

Haddaba Dadweyana degan degmadda lixaad ayaa iyagu dib u doortay Cabdi Warsame oo isagu kursigan soo hayey afartii sanno ee la soo dhaafay, balse Maxamuud Nuur oo looga badiyey codad dhan 223 ayaa ku eedaynaya in Cabdi Warsame uu wax is daba mariyey.

Wixii ku soo kordha doorashada degmadda lixaad iyo codsiga Maxamuud Nuur kala soco Tusmo Times.

Xigashadda sawirka: Minnesota Daily

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top