Wararka Soomaaliya

Maxaa ka socda Cadaado iyo Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Faramaajo iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa Gaaray Degmada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Waxaa halkaas ku soo dhaweeyay Shacab weynaha Boosaaso oo iskuugu jiray Arday.Haween,Odayaal Dhaqameed,Siyaasiyiin,Saraakiil Ciidan iyo Mas,uuliyiinta Maamulka Gobolka Bari.

Safarka Farmaajo ayaa waxaa uu ahaa mid Dhulka uu ku soo qaatay kadib markii ay ka soo baxeen Degmada Qardho oo Xalay ay ku hoydeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa shacabka Gobolka Bari oo Aad utira badnaa kulahadlay goob Fagaaro ah.

Madaxweynaha shacabkaas wuxuu usheegay in ay usidaan howl bulshada wax tar uleh.

Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo waxaa uu booqaday Dugsiga Tababarka Ciidanka ee Carmo wuxuuna kula kulmay Saraakiil halkaas ku sugneed.

Wuxuu usheegay in laga war hayo ka war qabkaasna uu noqondoono mid ay ku farxaan.

Caawa Farmaajo wuxuu ku hooyanayaa Boosaaso.

Dhinaca kale Degmooyinka Cadaado iyo Dhuusa Mareeb waxaa ka socda qaban qaabo xoogleh oo ku saabsan soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo iyo Wadiga ku weheliya Safarka.

Maalinta Isniinta ee isbuuca soo socda ayaa lagu wadaa in Wafdiga ay gaaraan Cadaado sida uu Saxaafadda uu u sheegay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo Galabta Gaaray Cadaado.

Safarka Madaxweynaha ayaa ahaan doono Mid dhulka ah, wuxuuna ka bilaabayaa Magaalada Gaalkacayo ilaa Cadaado.

Waxaa Cadaado ku xigidoonta Cabudwaaq kadibna wuxuu Safarkiisa xagga dhulka ah ku soo Gaba gabayndoonaa Magaala Madaxda Gobolka Galgaduud ee Dhuusa Mareeb.

Magaalooyinka Cadaado,Cabudwaaq iyo Dhuusa Mareeb waxaa ka socda Mash xarad iyo udiyaar Garowga Wafdiga Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo.

Ugu dambeyn waa Madaxweynihii ugu horeeyay ee soomara Talada Dalka oo Safar dhulka ah ku Maro Afar Gobol oo soomaaliya ka mid ah Tan iyo intii ay meesha ka baxday Dowladdii Militariga ahayd,islamar kaana Shacabka uu Mas,uulka ka yahay laqeebsado Farxada.

Tani waxay Xasuusinaysaa dadbadan oo waayo joog ah Madaxweynihii Geeriyooday ee Magacyada badan loo bixiyay ee ahaa .Aabihii Garashada, Guulwade Siyaad iyo Aabe Siyaad Jeneral Maxamed Diyaad Barre oo sidaan oo kale Safaro dhulka ah ku Maray Sanadihii 1980 iyo 1974 ilaa 1987.

Iyadoo Wali wanaagii uu Shacabka Soomaaliyeed gaarsiiyay lahilmaamilayahay.

 

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top