Community

Masaajid ku yaala Minnesota oo la qarxiyey


waxaa saaka salaadii subax uu qarax ka dhacay masaajidka Daarul Faaruuq ee ku yaala magaalada Bloomington ee Gobolka Minnesota.

 Qaraxa ayaa sida uu maamulaha masaajidka  Maxamed Carab uu sheegay in qaraxu uu ka dhacay xafiiska Imaamka ee masaajidka ku yaala. 

Sidoo kale waxa ay sheegeen dad goobjoog ahaa in ay arkeen baabuur masaajidka xawaare dheer ku ag maray qaraxa kadib. Ciidanka booliiska ee magaalada Bloomington iyo waaxda sir doonka ee FBI-da ayaa Baaritaan la xiriira qaraxan wada.

Maamulka masaajidka iyo dugsiga Qur’aanka ee masaajidka ku dhex yaala ayaa fariin ka hadlaysa qaraxa lala beegsaday masaajidka iyo in la baajiyey fasaladii dugsiga u diray waalidiinta.

Wixii akhbaar iyo warbixin dheeraad ah ee ku soo kordha qaraxan waxaad kala socotaa wargeyska Tusmo Times.


Comments

comments

Click to comment

You must be logged in to post a comment Login

Leave a Reply

To Top
Facebook Auto Publish Powered By : XYZScripts.com
Seo wordpress plugin by www.seowizard.org.